"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Wuxu yidhi “Jilib MAJEERTEEN ah ayaa ka badan ISAAQ”

Waxay ahayd abaaro shantii galabnimo waxaanu fadhinay faras magaalaha Hargeisa, waxan wada fadhinay nin reer Somaliland ah gaar ahaan kaso jeeda beesha Gobolka Sool, nin oday ah oo kale ayaa nagu sadexnaa, Iswaydaarsi Salaan kadib waxaan iska waraysanay  xaalada Somalia iyo isbedelka siyaasadeed ee
kasoo cusboonaaday. Waxa uu hambalyo iiga dhigay in  Beesha  ISAAQ  Baarlamaanka Cusub ee Somalia looga qoondeeyay 28 xildhibaan , waxaan ugu jawaabay in  ISAAQ Muqdisho jooga ee cadka quudheed ka qaatay aanay matalin ISAAQ iyo Somaliland midna ee ay yihiin rag shaqo tagay, Siyaasad iyo awoodna aanay ku lahayn Somalia, hadii hami siyaasadeed ku jiro ama inuun wax xeerinayaana  aanay qaateen cadh quudheedka baarlamaanka laga siiyay.

Waxan u sheegay in  shacabka reer Somaliland gaar ahaan Beesha ISAAQ aanay marnaba rajo ka qabin dawlad somaliyeed iyo midnimo la isku siro,lana  ogyahay jibadii iyo midnimadii hore inay ka faaiideen uun burbur dal iyo duunyo ah, sidaa darteedna shacabku goostay Madaxbanaani lagama noqdaan ah, Dawladnimada Somaliland marnaba aanay gali karin gorgortan,  waxaa kale oo aan u sheegay in cadaalad daradi ISAAQ lagu sameeyay hadana loosii laba jibaaray.

Waxaan waydiiyay hadii Somali nimo laga hadlayo sida ay suurto gal u noqonayso in RAXANWEYN, DAAROOD, iyo HAWIYE midkiiba qaatay lixdan xildhibaan oo baarlamaanka ah, halka ISAAQ laga siiyay 28 xildhibaan oo u dhiganta in ka yar boqolkiiba konton 50%  marka la barbardhigo beelaha kor ku xusan ama hadii aan u dhigo habka Saami wadaaga beelaha Somalia ee lagu soo dhoodhoobay DJIBOUTI  oo la yidhaa 4.5, Sida ay suurto gal u tahay in ISAAQ saami ahaan uga helo Somalia  wax ka yar 0.5 Habka saamiga wadaaga beelah halka beelaha kale la siiyay saami buuxa ?  wuxu iigu jawaabay,  “ISAAQ xaqiisii iyo dheeraadba wuu helay  Saamigaa ay ka heleen baarlamaanka cusubna  mid ka badan kama heli karaan hadii dawlad Somaliyed la iskugu yimaado, Isagoo sii wata doodiisa ayuu si caadifad leh isagoo qawlalada ka xumbaynaya waxa uu yidhi “ISAAQ gabigiisaba waxaa ka badan Jilib MAJEERTEEN ah” Cajiib.

Saaxiibkay waxa uu maciinsaday qardajeex iyo dood aan  sal iyo raad toona lahayn, Male awaal iyo sheeko somali  aan xaqiiq ku salaysnayn oo la macno ah uun odhaahdii Somaliyeed ee Majeerteen iyo inta madaxa madaw ayaa siman.  waxaan soo hordhigay Cadaymo iyo tirakoobyadii laga sameeyay Koonfurta Soomalia iyo Waqooyiga Somalia wakhtiyadii Gumaysiga kuna beegan 1956, 1957, 1959  oo muujinayaa tirada Beelaha dagan dhulkii la isku odhan jiray Jamhuriyada Somalia, Tirakoobyadaasi oo qaar run ahaan uga dhaw kuwa uu qoray IM Lewiss ayaa waxa uu u dhigan yahay :   

HAWIYE                    24%,  
ISAAQ                        22%,  
DAAROOD                21%,   
RAXANWEYN          17%,  
DIR                            10% , 
JAREER                     6%

Tirakoobkan waxa uu qeexayaa Saamiga boqolayda ah ee beelaha Somalia dhexdeeda dega,tirakobkan maaha mid ka hadlaya dhul waayo waxaa dhacda in shan gobol oo ka mid ah Gobolada Somalia uu ka dad badnaan karo Hal gobol oo ka mid ah isla gobolada Somalia, waxaana jira dhul dadku isku cufan yahay  iyo dhul uu dadku teel teel ku yahay, sidoo kale waxaa jira dhul lama dagaan ah oo aanay cidiba dagin, sidaa darteed waa inaan lagu xisaabtamin baaxada dhulka.

Mida kale waxaa jira  gobolo badan oo  la wada dago sidaa darted goboladaas oo kalena waa inaanay cidi si gaar ah u sheegan, sida gobolo badan oo lagaga badan yahay laguna beeray Beesha DAAROOD oo uu danbiile Siyaad bare  ka dhaadhiciyay inay iyagu leeyihiin iyadoo la adeegsaday awoodii dawlada somaliyeed ee uu hogaanka u hayay.

Waxaa dhab ah oo aynu xaqiiq ku haynaa in uu   Siyad Bare Beeshiisa Daarood iyo Caalamkaba ka dhaadhiciyay in ay Somalia ka yihiin 80%, si uu taas u hirgaliyo waxa beeshiisa 80% in ka badan ka siiyay Saamigii  dawladii Somaliyeed intii u dhaxaysay 1980kii ilaa 1991kii horaantiisii, waxaanu beeshiisa ka  dhaadhiciyay dhul badan oo  somaliyeed mulkiyadiisa, xataa ay dhacday in 18kii  gobol ee Somalia isku mar uga  wada dhigay Gudoomiyeyaal niman kasoo jeeda beesha DAAROOD,  meelaha aanay dagina uu ku beeray kuna deegaameeyay, sida Hargeisa oo lawada ogyahay in dhamaadkii todobaatanadii lagu beeray  ama lagu deegaameeyay  OGAADEEN badan si ay mustaqbalka beesha DAAROOD xubno baarlamaan iyo Deegaan ugu yeelato Hargeisa ama gobolkii Waqooyi galbeed ee Somalia.

Cadaalo daradii iyo naasnuujintii uu siyaad bare u hirgaliyay beeshiisa wali way socota waayo waxa uu gobolo uga dhigay tuulooyin taasna way ku badhaadheen oo waxaad arkaysaa gobol ay dagan yihiin 500,000 qof uu la saami noqday gobol ay dagan yihiin 50,000 qof  tirada baarlamaankana ka helaan xildhibaano isleeg sidoo kalena miisaaniyada dawlada looga qorsheeyo Saami isleeg.

Hadaan ku noqdo Doodii saaxiibkay na dhex martay,  waxay i xasuusisay  dood wakhtigii dawladi Siyaad Bare Hotel Baar midnight ku dhex martay Qoraa Cabdiqadir Oromo iyo nin Ducaale la yidhaa oo DHULBAHANTE ah, Cabdadir Oromo oo doodaasi ku xusay buugiisa Sobobaha burburka Somalia waxay u dhacday sidan   “Cabdiqair Oromo waxa uu waydiiyay sobobta ay beesha DHULBAHANTE mar walba saami wayn ugu leedahay dawlada siyaad bare?  Ducaale waxa uu ku dooday in Dhulbahante qaran yahay oo waliba badankoodii aan waxba la siinin, Mar kale Cabdiqadir Oromo waxa uu waydiiyay habka u suurto galiyay jago isku badalka, kala dhaxalka ,   iyo kootada loo qoondeeyay beesha DHULBAHANTE, Ducaale waxa uu  ku jawaabay “ Waar beelaha oo dhan waa loo sameyaa jago iska dhaxalka, sawtii Cabdilahi Axmed Cadaw wasiirkii hore ee maaliyada lagu badaley  Inaadeerkii Maxamed Sheekh Cusmaan sida HAWIYE  loo sameeyay DHULBAHANTE hadii loo sameeyo ma waxbaa ku jaban?  Cabdiqadir Oromo waxa uu ku yidhi Ducaale “ saw ma ogid in Cadaw yahay HABAR-GIDIR, Maxamed sheekh Cusmaan yahay MURURSADE teeda kale HAWIYE iyo DHULBAHANTE ma yihin dad la is barbardhigi karo oo la simi karo ? Ducaale waxa uu ku jawaabay “ Namaad Baran ee na baro in DHULBAHANTE la siman yahay ama ka badan yahay HAWIYE” Cabdiqadir Oromo waxa uu ku celiyay HAWIYE ma waxaad u jeedaa beeshaa FIQISHINI ee sool idinla dagta, Ducaale waxa uu ku Jawaabay “ Mayee waxaan aaminsanahay in HAWIYE oo dhan uu ka yar yahay DHULBAHANTE”

Guntii iyo Gabadii   Inta Saaxiibkayga doodu na dhex martay uu aaminsan yahay in ISAAQ ka yar yahay Jilib MAJEERTEEN ah, Ducaalena aaminsan yahay in DHULBAHANTE ka badan yahay HAWIYE maxaan filan karnaa? Akhristayaasha ayaan u dhaafayaa Jawaabta!  

Walaalahayga Somalia ee aan jaarka nahay kana dhab yahay wadan jacaylku waxaan u rajaynayaa Dawlad wanaagsan laakin inta cadaalad darooyinka baahsan, Sadbursiga, dhinbiilihii iyo Dabinadii uu aasay  Siyaad bare wali aasan yihiin  Somalia inay  heshiiso cadaaladna hirgashaa waa :-.

Sacabkoo tima yeeshiyo 
Saabuun xoor laga waayiyo 
Waa dameer san madowoo 
Sina loo arki maayoo 
Waanay suurta gelayn.


Ugu danbayn waxaan u  sheegayaa walaalahayga aan jaarka nahay ee  Somalia inay ka rajo dhigaan midaw danbe oo dhex mara Somaliland iyo Somalia, Madaxbanaanida Somaliland waa mid aan laga wada hadli karin laguna dhidbay dhiig geesiyaal naftoodii huray,  inta Shacabka Somaliland dunida korkeeda joogaana Dawlada Somaliland na  way jiraysaa,  Ictiraafka iyo aqoonsiguna waa midka ilaahay Subaxaana watacalaa.

FIIRO GAAR AH :
1) Tirakoobka kor ku xusan ee qabaailka Somaliyed waxaa laga soo minguriyay Warbixin wasaarada arimaha dibeda talyaanigu u gudbisay golaha loo dhan yahay Qaramada midoobay sanadkii 1959, boga 211 lana xiriirta tirakoobyadii laga sameeyay Koonfur.
2) Waxa kale oo laga soo minguuriyay warbixin xafiiska gumaysiga ee ingiriisku ka diyaariyay tirakoobka waqooyi sanadihii 1956 iyo 1957 boga 9 iyo 46.

Waxaan rajaynayaa in badan oo akhristayaasha ah inay ka garaabi doonaan nuxurka qoraalkan, Wixii gef ah ee ku jirana  ilaahay ayaan danbi dhaaf waydiisanayaa. ALAA MAHAD LEH.

Fuaad Abdillahi Hassan
fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland.


3 comments:

  1. "Sacabkoo tima yeeshiyo
    Saabuun xoor laga waayiyo Waa dameer san madowoo Sina loo arki maayoo Waanay suurta gelayn...."
    Horta fu'aad, qoraag maqaalkan, aad ayaan uga mahad celinaya inuu inoo so bandhigo arimo dareen ama aminaad "ideology" ka dhex jira Somalida meelkasta ooy joogto.
    waxaan xusuustay maalin dhawayd oon nin aan sxb nahay wada joognay hadal uu i yidhi oo ahaa: "HAWIYE WAA 75%,SOMALIDA" ~ tiraabta waxaan kaga jawaabo man garan waayo, waxaan aad ugu dhaweeyay inay aqoon daro ka tahay iyo isaga oon xisaabta boqolaydaba aqoon u lahayn malaha, waxaan uga socdaa siyaadka xamar waa hadba ninka Vila somalia ka soo toosa, maantana xasan sheekh muumin ayaa jilaya, waxaan u fasirtay uun inuu difaacayey ficiladii, iyo maamul xumadii siyaad bare markii uu 18 May, isu soo baxa Somaliland ku tilmaamey "CAADIFAD".

    ReplyDelete
  2. Abdifatah Somalida beel walba iyada ugu badan iyadaa ugu geesisan iyadaa ugu karti badan. wad ku mahadsan tahay fikirka aad ka dhiibatay qoraalka,

    ReplyDelete
  3. Halkaas waxbadan oo wanaagsan waad ka hadashay balse hadaad wanaag sheeg is dhahdid oo ay bahasha wax kaaga darasamaan waa kuwii isla qalibma dhamaan wanaagagii iyo xagahaagii o dhan waxay ku dambaynayaan mee madhan meel gacan ku daalisa cid kaa akhrisanaysaana ma jirto: Tusaale Tiro Koobkaan aad samaysay maxaad wax cadayna u haysa hadaad hasyo na tus wixii intaas ka dambeeya Taliyaani İyo Ingiriis markay tira kobayeen Maxay ahayd u jeedadoodu waadmahdsantahay Reference: ayaa wanaagsanaan lahaa inaad samayso iyo Resoures:

    ReplyDelete